Jihada Wax-soo-saarka Waxbarashada Sare ee Soomaaliya: Ma Dhabo Xiran, mise Dhawaq Mudan in Dheg Loo Dhigo?
Waxbarashada sare ee Soomaaliya waxay soo martay jid dheer, balse maanta waxay taagan tahay meel digniin leh. Qoysasku waxay lacag adag geliyaan waxbarashada carruurtooda, jaamacaduhuna sannad kasta waxay soo saaraan qalinjabiyayaal badan; hase yeeshee, xog la’aanta suuqa shaqada, takhasusyada aan baahida dalka lagu jaan-gooyn iyo shaqaaleysiinta ku dhisan xiriirka ayaa dhalinyaro badan dib ugu celinaya guryihii waalidiintood. Sidaas darteed, su’aasha muhiimka ahi ma aha oo keliya inta jaamacadood ee dalka ka jirta ama inta arday ee sannad kasta qalinjabisa—ee waa: qalinjabiyaha Soomaaliyeed xaggee ayuu aadayaa marka uu jaamacadda ka baxo?
